Favouri oo xustay sanadguurada markii ay la wareegtay garoonka Aden Cade-Sawiro

Published: September 16, 2018

Xaflad lagu maamuusaayay sanad guuradii 5-aad ee ay shirkadda Favouri oo ay ka howlgashay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalaada Muqdisho, islmarkaana ay ka qeybgaleen Masuuliyiin ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, taasi oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta munaasabdda ka qeyb galay waxaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Xirsi Aadan Rooble, Wasiirkii hore ee Gadiidka Siciid Qoorsheel, Maareeyaha Garoonka Muqdisho Cabdi Askir Jaamac iyo Madax kale.

Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Olgan Beker oo munaasabadaasi kahadlay ayaa sheegay in dadka Turkiga ay ka go`antahay taageerada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Maareeyaha Garoonka Muqdisho Ashkir Jaamac iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Saciid Jaamac Qorsheyl ayaa xusay in mudada ay joogeen wax badan ay ka qabteen shaqada Garoonka.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Xirsi Aadan Rooble ayaa ka codsaday shirkadda Favouri ee dalka Turkiga in la balaariyo ranweyga Diyaaradaha kusoo degaan, maadaamada duulimaadyado ay bateen.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariicyo farabadan ka fulisa gudaha dalka, iyadoo ay ka mid yihiin dhinacyada caafimadka, waxbarshada, dhismaha qaar ka mid wadooyinka iyo garab istaaga dadka iyo Dowlada Soomaliyeed.

Shan sano ka hor ayay ka howlgashay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, si ay maal galin ugu sameyso Garoonka, hadii ay ahaan laheyd dhismaha Terminaalka hada la isticmaalo iyo Baakinada Diyaaradaha oo wali u baahan in la balaariyo.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *