Shirkadda Ethiopian Airlines oo Beenisay In Ay Joojisay Duullimaadyada Hawada Soomaaliya

Published: March 2, 2024
Ethipoian Airlines

Shirkadda Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa beenisay wararka sheegaya in ay baddasheen khadka hawada Soomaaliya ee ay isticmaalaan, sababo la xiriira dhacdooyinkii dhowaan ee hawada Somaaliya.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda Ethiopian Airlines aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ayaa sidoo kale lagu sheegay in shirkaddu aysan ka caban badqabka hawada Soomaaliya.

Waxaa jirtay warqad la isla dhex marayay baraha bulshada oo lagu sheegay inay kasoo baxday xafiiska shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo lagu xusay in shirkaddu joojisay duullimaadyadii dalalka Aasiya ee sii mari jiray hawada Soomaaliya. Shirkadda ayaa beenisay warqaddaas kuna tilmaantay mid been bauur ah.

Horseed Media