Shirkadda Golis oo si rasmi ah u Daah-furtay Adeega Internetka ee Viber Optic-Sawiro

Published: February 24, 2018

Xaflad ballaaran oo lagu daah-furayey adeegga Internetka ee Viber Optic ayaa lagu qabtay magaalada Bosaso, iyadoo ay ka soo qeyb galeen madaxda Shirkadda Golis iyo Bulshada qeybaheeda kale duwan.

Maareeyaha guud ee Shirkadda Golis Saciid Aadan Axmad oo ugu horey ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Shirkadda in muddo ah ay ku howlanayd in ay keento adeeggan, balse markii dambe lagu guuleystay

..Adeeggan si hufan ayuu u shaqeenayaa, dadweynaha in muddo ah ayey dhegaha u taagayeen, maanta waxaa soo gaarnay waqtigii la daah-furi lahaa, waana daah-furnay ayuu yiri Maareeyaha guud ee Shirkadda Golis Saciid Aadan Axmad.

Madaxa suuq geynta Shirkadda Golis Sheekh Fu`aad ayaa sidoo kale ka hadlay goobta, waxa uuna sheegay in mashruucan uu yahay mashruucii ugu qiimaha badnaa ee Soomaali maal geliso oo dalka la keeno.

..Maanta waxaan helnay adeeg Internet oo xawaarihiisu sareeyo, isla markaana qiima jaban ayuu yiri Sheekh Fu`aad.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo oo ugu dambeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in Shirkadda Golis ay ka qeyb qaadato hormarinta arrimaha bulshada, sida abaarihii ka dhacay dalka iyo dib u dejintii dadkii ka soo qaxay dagaalka dalka Yemen.

Waa markii ugu horeysay ee Mashruucan laga hir geliyo deegaanada Puntland-Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *