Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo daah-furtay adeega 5G

Published: March 22, 2024

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa Khamiistii ah daah-furtay Adeega loo yaqaan 5G, iyadoo ku biirtay dalal dhowr ah oo Afrikaan ah sida Kenya iyo Itoobiya si ay u hirgeliyaan farsamadan.

Adeega 5G ayaa ah mid iska leh xawaare aad u dheereeye waana mid la isku haleyn karo oo aan lahayn daahitaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadda daah-furka shabakadda ugu dhakhsiyaha badan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“5G waxa ay sahlaysaa isku xidhid internet oo la isku halayn karo oo degdeg ah, iyada oo bixisa in ka badan boqolkiiba 80,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Hormuud Telecom.

Madaxweyne Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay dadaalka ay hormuudka ka tahay shirkadda Hormuud sidii loo fududayn lahaa is-gaarsiinta dalka, wuxuuna u ballan-qaaday shirkadda in ay garab taagan tahay dowladdiisa.

“Shirkadda Hormuud waan bogaadiniayaa, waxaana u xaqiijineynaa in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay, isla markaana ay heli doonaan dhammaan taageerada ay uga baahan yihiin dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Maxamuud.

‘Marxalad xasaasi ah’

“Iyadoo Soomaaliya ay luagaha la geleyso deganaansho, hirgelinta adeegyada 5G ee Hormuud Telecom waxay soo ifbaxday marxalad xasaasi ah. Hindisahani waa ka badan yahay oo kaliya horumarinta tignoolajiyada; waxay astaan ​​u tahay sida ay ummaddeenu uga go’an tahay kobaca iyo horumarka joogtada ah,” ayuu yiri Jaamac Xasan Khaliif, wasiirka isgaarsiinta Soomaaliya.

Madaxa Hormuud Telecom Axmed Yuusuf ayaa sheegay in hindisahan cusub uu ka gudbi doono isku xirnaanta isla markaana uu noqon doono mid ku saabsan awood siinta bulshooyinkayada, dhiirigelinta horumarka, iyo u gogol xaaridda bulsho horumarsan, oo ku dhisan qaab dhijitaal ah.

“Waxaan dooneynaa inaan hubinno in faa’iidooyinka 5G-internetka degdega ah, adeegyada la hagaajiyay ee qaybaha sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo beeraha – ay noqdaan kuwo la heli karo dhammaan, kobcinta mustaqbalka halkaas oo qof walba uu uga faa’iideysan karo, siyaabo badan, tiknoolajiyadan horumarsan,” ayuu yiri Yuusuf.

Adeeg bixiyaha adeegga isgaadhsiinta ee 5G waxa uu ku siin doonaa xawaarihiisa 10Gbps, 100Gbps, 200Gbps ama 400Gbps.

Shirkadda teesom oo mataanta la ah Hormuud ayaa bilowgii sanadkan hirgelisey adeega 5G laakiin ma jirto cid isticmaasha ilaa hadda marka la eego qiimaha iyo baahida.

Horseed Media