Shirkadda Jubbo Airways oo beenisey in ay qaaliyeysey tigidka Xajka-Dhegayso

Published: February 8, 2018

Mas’uuliyinta Shirkadda duulimayadka Diyaaradaha ee Jubbo Airweys oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta shirkadda ee magaaladda Bosaso, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadal dhowaan uu sheegay Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha diinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo maalin sii horeysey ka soo degey garoonka diyaaradaha magaaladd Garowe, ayaa sheegay in dadka Soomaliyeed Xajka ku tagaan lacag qaali ah oo uu arinta ku eedeeyey shirkadda Jubbo Airweys,

Dhanka kalle mas’uuliyinta shirkadda Jubbo Airweys ayaa sheegay in arinta uu sheegay wasiirku ay tahay waxba-kama jiraan iyaga oo sheegay in Xajka ay ka shaqeeyaan Shirkaddo badan.

Cabdillaahi Cabdi Aadan Budeeye Madax Suuq-geynta shirkadda Jubbo Airways ee Puntland ayaa sheegay in xogta Wasiirku ku baraha Bulshadda (Social Media), isga oo nasiib darro ku tilmaamay,in wasiirka Cadaaladu uu eedeeyo shirka ganacsi oo gaar looleeyahay.

Sidoo kale waxaa ka hadlay shirkan jaraa’id ee ay qabten mas’uuliyinta Jubbo Ariways Cumar Cabdiwahaab Axmed madaxa howl-gelinta shirkadda Jubbo Airways, waxa uun wasiirka ku soo jeediyey in uu rali gelin buuxda ka bixiyo hadalkan oo uu sheegay inaan laga sugeyn masuul jooga meeqaamkan jooga.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *