Shirkadii loo saxiixay shidaal baarista Soomaaliya oo gargaar ugu deeqday 6,000 oo qoys

Published: October 26, 2022

Shirkadda dhowaan loo saxiixay shidaal baarista Soomaaliya ee Coastline Exploration ayaa $1.4m oo cunto ah ugu deeqday 6,000 oo qoys oo ku nool guud ahaan Soomaaliya si ay gacan uga geystaan gurmadka macaluusha abaaraha.

Gurmadka Coastline Exploration ayaa la gaarsiin doonaa 6,000 oo Qoys, oo ku sugan Hobyo, Kismaayo iyo Baraawe.

Sadexdaas goobood waa meelaha ay ku dhaw yihiin Ceelasha Shidaal ee diyaarka ah kuwaas oo la siin doono lix nooc oo cunto ah oo ay ka mid yihiin Sonkor, Bariis, Bur, Saliid, Baasto, iyo Caano.

Coastline Exploration, oo ah shirkad Maraykan ah oo fadhigeedu yahay Bariga Afrika, waxaa loo aasaasay in ay gacan ka geysato horumarinta arrimaha shidaalka.

Shirkaddu waxay rumeysan tahay inay jirto fursad weyn oo shidaal iyo gaas looga heli karo xeebaha Soomaaliya.

Bilo kahor, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa heshiiskan u yaqaanay mid Khiyaano Qaran ah, balse isla isaga ayaa dib u saxiixay.

Horseed Media