Shirkii 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda Geeska Afrika

Published: October 9, 2023

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qeyb galay shirkii 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda Geeska Afrika.

Wasiirradu waxay ka wada hadleen horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga dhinaca maaliyadda iyo hirgelinta qorshayaasha ganacsiga xorta ah ee ka baxsan xuduudaha dalalka Bariga Afrika.

Ka-qaybgalka Soomaaliya “wuxuu muhiim u yahay maalgashiga iyo rajada dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika,” ayuu Cige ku sheegay khudbadii uu ka jeediyay kulanka wasiirrada.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, oo ah guddoomiyaha barnaamijka Geeska Afrika ee sanadkan, ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaallada deyn cafinta.

Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkan ka faa’iidaysan doonta in deymaha laga cafiyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) iyo deymaha kale, iyadoo dib-u-habaynta lagu sameeyey cashuur ururinta iyo daah-furnaanta maaliyadeed ay dhaqan gelisay xukuumada.