Shirkii Afisyooni Oo Maanta Baaqday

Published: April 6, 2021

Shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee maanta oo Talaado ah lagu waday inuu dib uga furmo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa baaqday.

Dib u dhaca shirka ayaa waxaa sababay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shalay safar ugu ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxda ayaa la filayaa inay shirka isugu soo laabtaan berri oo Arbaco ah 07/04/2021, halkaasna kasii wadi doonaan shirka oo looga hadlayo ajandayaasha shirka guud ee xalinta khilaafka doorshada.

Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa weli is mari la’, illaa iyo hadda labo cisho oo ay fadhiyeen wax horumar ah lagama sameyn shirkooda, waana tan keentay in shirka rajo xumo laga muujiyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *