Shirkii Dhuu Samareeb oo lagu kala kacay

Published: February 6, 2021

SHirkii ka socdey magaalada Dhuu Samareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu kala kacay kadib markii lagu heshiin waayey doorashada Jubaland lagu qabanaayo.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo xalay saq dhexe la hadley saxaafadda ayaa sheegay in shirku natiijo la’aan ku dhamaadey, waxaana uu ku doodey in Madaxweyne Farmaajo uu tanaasul ka sameeyey saddexda qodob ee la isku hayey laakiin dhanka Axmed Madoobe Madaxweynaha JUbalabnd laga waayey wax tanaasul ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegashadaas ku tilmamey mid aan waxba ka jirin.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu maanta oo Sabti ah Baarlamaanka u jeedinaayo khudbad ku aadan xaaladda dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *