Shirkii Dowlada Federaalka Iyo Dowladaha Xubnaha Ka Ah Oo Ka Furmay Muqdisho

Published: September 13, 2020

Shirkii madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka banaadir ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay albaabadu u xiran yihiin ayaa waxa maanta yeeshay oo kaliya madaxweynayaasha iyo duqa Muqdisho, iyadoo ay shirarkii ka horeeyey ka qaybgali jireen xubno wehliya madaxweyne kasta.

Hase ahaatee shirkan ayey madaxdu kaga arrinsanayaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan qodobadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb 1,2 & 3 kaasoo ay madaxda qaar ka horyimaadeen heshiisyadii kasoo baxay.

Lama oga inta uu socon doono shirkan balse madaxda ayaa warbaahinta la hadlin doona marka uu soo idlaado.

La soco wixii kusoo kordha

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *