Shirkii Garoowe-2 oo guul kusoo idlaaday

Published: February 18, 2012

Shirka wadatashatiga Dastuurka ee Garoowe-2 oo mudo 3-maalmood ah magaalada Garoowe ka socdey ayaa caawa abbaare 06:30 habeen nimo ee wakhtiga gobolka geeska Africa is afgarad iyo guul kusoo dhamaaday.

Shirka oo qorshuhu ahaa in uu manta gelinkii hore soo xirmo ayaa dib u dhacay kadib markii uu dhashay muran ku aadan qaabka ay u shaqayn doonto dowladda uu dalka Soomaaliya mustaqbalka yeelan doono.

Waxaana ismarin waagaas oo ay xalintiisu mudo badan qaadatay lagu guuleystey in laga gudbo kadib markii ay madaxda Soomaalida ee metelaya dhinacyada shirkaas ka qayb gelyaa kulan albaabadu u xiran yihiin oo saacado badan qaatay wada yeesheen.

Intaas kadib waxaaa markii uu kalankaasi dhamaaday dib hoolka uu shirku ka socdo oo ay ergooyin aad u tira badnai ku sugan yihiin ugu soo laabtay madaxdii kulankaas yeeshay iyagoo Saxaafadda usoo bandhigay heshiiskii ay wada gaareen.

Mas`uuliyiinta hormuudka u ah ergooyinka isugu yimid shirka Garoowe-2 ee aayaha Soomaaliya looga tashanayo oo kala ah DKG, Puntland, Gal-mudug, iyo Ahlu Sunna ayaa sidoo kale si wada jir ah u saxiixay qodobada uu heshiiskaasi ka kooban yahay.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan qodobada uu heshiiska Garoowe-2 ka kooban yahay, codadka mas`uuliyiinta, iyo sawiradaba Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

Horseed Media

Garoowe