Shirkii Gollaha Xukuumadda Oo Lagaga Hadlay Xaaladaha Nabadgelyo ee Puntland

Published: March 10, 2017

Shirka Gollaha xukuumadda Dowladda Puntland oo khamiislaha ah oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee nabadgelyadda Puntland iyo guud ahaan xaaladda abaaraha oo la sheegay in bilaabatay in dadku u dhintaan macaluusha iyo cuduradda ka dhasha.

War-murtiyeed ka soo baxay gabgabadii shirka ayaa lagu sheegay in golluhu ku dheeraaday sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa maniga dalka,gaar ahaan Magaaladda Bosaso oo ayaamihii ugu dambeeyay laga waday howlgalo kala duwan oo amni.

“madaxweynhu wuxuu u sheegay gollaha in la adkeeyo amniga, islamarkaan ala ilaaliyo masuuliyadda wadashaqayneed ee laamaha kala duwanee ciidamada, sidoo kaleana aan la ogolaan doonin in la siyaasadeeyo ciidamadda Puntland” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.

War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu sheegay in gollaha xukuumadda ay madaxweynaha uga war-bixiyeen xaaladda abaarha Puntland oo hadda in dadku u dhimanayaa cuduradda ka dasha macaluusha,

“waxaana ku jira khatartaasi dad gaaraya 1200,000 kun oo qoys in kabadan waxaana si toosa u bilaabmay in dadku u dhintaan macaliishaasi, taasi oo ayugu daran yihiin degaamadda Towfiiq, Taalacada, degaanka Degmadda Taleex” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka

Gabagabadii, Gollaha xukuumadda dowladda Puntland ayaa caddeeyay in Puntland ay ku jirto Xaalad abaareed oo adag oo sababi karta dhibaato wayn, waxayna ugu baaqeen shacabka Puntland in loo istaago sidii roob-doon loo samayn lahaa oo ilaahay looga baryi lahaa inuu naxariistiisa ku qaboojiyo dadka iyo duunyadda.

Horseed media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *