Shirkii London oo soo xirmay iyo War-murtiyeed kasoo baxay

Published: February 23, 2012

Shirkii arimaha Soomaaliya looga hadlayey ee maanta ka furmay magaalada London ee caasimadda dalka Britain ayaa saacado kahor soo gaba gaboobey.

Shirka oo qaybtiisi hore keliya Saxaafadda loo ogolaa ayaa qaybtiisa danbe waxay ahayd mid albaabadu u xiran yihiin Saxaafadduna ay banaanka ka joogtey.

War-murtiyeed ka kooban 26-qodob oo gaba gabadii shirka kasoo baxay islamarkaana goor dhow la filayo inay Saxaafadda u akhriyaan Ra’iisul wasaaraha iyo xogyahaha arimaha dibadda ee dalka Britain ayaa waxaa kamid ahaa qodobadan.

  1. In dalka Soomaaliya dadkiisu ay ku qancaaan hogaankooda, iyo in hogaanku uu noqdo mid ay Soomaalidu leeyihiin.
  2. In beesha caalamku ay argti mideysan ka qaadato taageerada Soomaaliya.
  3. In musuq maasuqa, argagixisada, Burcad-badeeda iyo dowlad la’aantu ay sal u yihiin dhibaatooyinka dalka ka jira sida macaluusha iyo qaxootiga faraha badan.
  4. In beesha caalamku ay xoojin doonto taageerada ay u hayso Soomaaliya si mustaqbalka uu noqodo dal xoogan oo horumar ku talaabsada.
  5. In la xoojiyo ciidamada nabad ilaainta ee AMISOM.
  6. In wakhtiga dowladda KMG ahi uu ku eg yahay August 2012.
  7. In horumarka la tiigsanayo la xoojiyo lana ciqaabo cid kasta oo caqabad ku noqota.
  8. In la taageero wada hadalo dhex mara Somaliland iyo dowladda Soomaaliya is ay isula qeexaan mustaqbalkooda.
  9. In laga hortago musuqmaasuqa baahasan lana abuuro guddi la dagaalama.
  10. In xuquuqul Insaanka kor loo qaado.
  11. In la taageero Garoowe-2 iyo shirarkii ka horeeyey.
  12. In la xoojiyo laamaha ammaanka iyo kuwa caddaalada ee Soomaaliya.

Warmurtiyeeka kasoo baxay shirka maanta ka dhacay magaalada London ee caasimadda dalka Britain Horseed Media waxay isaga oo dhamaystiran idiin soo gudbin doontaa saacadaha soo fool leh.

 

Horseed Media