Shirkii ururada Siyaasadda Puntland iyo Madaxweyne Deni oo natiijo la’aan ku dhamaadey

Published: December 8, 2022

Habeenimadii xalay ee Khamiista waxaa shir gaar ah yeeshey guddoomiyaasha/wakiilada ururada siyaasadda ee Puntland iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ahna guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH shirkaas ayaa ku dhamaadey natiijo la’aan.

Dooda ayaa u badneyd, 13-kii qodob oo ururada siyaasaddu soo saareen 29 bishii hore, kuwas oo ay ku tilmaameen in ay yihiin caqabad haddii aan wax laga qaban doorashado aysan ku dhici karin.

Warar ku dhaw shirka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni dood adag ka keenay qodobada, isla markaana uu u kala qadey kuwo dastuur taabanaya, kuwo xeerar taabanaya iyo kuwo iska caadiya, laakiin ma jirin hal qodob oo la isku raacey, waxaana shirku ku dhamaadey in mar kale dib la isu arko.

Maanta oo Khamiis ah ayaa ururada siyaasaddu is arkayaan guddiga TPEC, waxaana laga wada hadlayaa bilaabidda diiwaan-gelinta taas oo ururada siyaasaddu aysan u diyaar aroobin sida ay ku sheegeen war murtiyeedkii ka soo baxay.

Ururada siyaasadda ayaa ka kooban 9 urur uu ku jiro ururka dowladda, 7 urur oo ka mid ah ayaa isku raacsan qodobada 13 ah, waxaana la is weydiinayaa sida Madaxweyne Deni ku doonaayo in uu dalka doorasho uga qabto isaga oo hadda haysta ururkiisa oo keliya iyo garab ka mid ah ururka Shaqaalaha oo laba garab u qaybsan.

Horseed media