Shirweynaha Aayo-Katalinta gobaladda SSC oo ka furmaya magaalada Laascaanood

Published: January 28, 2023
Shares68

Shirweynaha Aayo-Katalinta gobaladda SSC ayaa maanta oo sabti ah ka furmaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Shirweynahan waxaa u dhan dhammaan Isimada dhaqanka ee gobaladaas oo maalmihii dambe halkaas gaaray.

Hoggaanka Isimada Dhaqanka ayaa shirka u qabanaya si ay uga taliyaan Masiirka Shacbiga Gobolladan.

10-kii sano ee u dambeysay waa markii koowaad ee ay shirkan oo kale iskugu yimaadaan Isimadan oo mideysan.

Horseed Media