Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo ka furmaya magaalada Muqdisho

Published: November 28, 2022
Shares12

Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo ay ka soo qeybgaleen Madaxda Dowladda, Hey’adaha ka shaqeeya Mashaariicda, Ganacsatada, Maalgashadayaal caalami ah iyo Martisharaf kale ayaa goordhow ka furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan hoolka uu ka dhacaayo shirka ayaa ka jeedin doonno khudbad uu ku dhiirrigelinaayo Maalgashadayaasha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa faa-faahin doona doorka Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay maalgelinta iyo dhiirrigelinta maalgashiga hal-buurka leh ee doonya in ay kor u qaadaan wax soosaarka gudaha dalka.

Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS oo soo qabanqaabisay ayaa ku casuumtay dhammaan Maalgashatada ajaanibta ah, Ganacsatada dalka, Qurba joogta iyo kuwa maxalliga ah ee gudaha dalka ka howlagala.

Horseed Media