Shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgaashiga Puntland oo ka furmaya Magaalada Garoowe

Published: March 13, 2023

Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa ka furmaya shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgaashiga Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya ganacsato iyo wufuud caalami ah kuwaas oo qaarkood shaley gaaray magaalada Garowe halkaas oo lagu soo dhoweeyey.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid Jaamac ayaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe Guddoomiyaha Ganacsatada Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo Wafti ganacsato ah oo ka socda dalka Shiinaha.

Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah oo ka bilaabaneysa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/03/2023 ilaa 15/03/2023.

Horseed Media