Shirweynaha Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland oo Garoowe ka furmey -SAWIRO

Published: October 10, 2023

Waxaa maanta oo Salaasa ah si rasmi ah uga furmey caasimadda Puntland ee Garoowe shirweynihii siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo weliba qaar kamid ah ururada siyaasadda ee mucaarka ah ee Puntland, kaas oo looga arinsanaayo aayaha Puntland oo ay sheegeen in xaaladdu tahay mid aad u cakiran oo hubanti la’aan ah.

Muddo xileedkii goloyaasha dowladda Puntland waxaa ka dhiman laba bilood iyo maalmo, doorasho qof iyo cod ah ma muuqato wakhti lagu qaban karo, waxaa la is weydiinayaa wadada Puntland ay mari doonto.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay siyaasiyiin magac iyo miisaan ku leh Puntland oo kor u dhaafaya 100, oo ay ka mid yihiin Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi oo ka mid ah masuuliyiinta ururka mucaaradka ah ee Mideeye horeyna Madaxweyne Deni ugala tartamey xilka, Wasiirkii Hore ee arrimaha dibadda Soomaalya Axmed Ciise Cawad, Siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Cali Xaai Warsame, Faarax Cali Shire, Xasan Shire Abgaal, Guuleed Saalax Barre iyo qaar kale oo badan.

Shirkan waxaa furey Wasiirkii hore ee maaliyadda Faarax Cali Shire oo guddoomiye u ahaa guddiga qaban qaabada, wax uu sheegay in shirku socon doono laba malamood, ajandaha shirka ayaa ah sidii Puntland looga badbaadin lahaa Madaxweyne Deni oo muddo xileedkiisi gabaabsi yahay isaga oo ay ku eedeeyeen in uu doonaayo muddo kororsi, kaas oo horseedi kara qalalaase ka dhaca Puntland.

Shirka ayaa lagu wadaa in la soo gebagebeeyo maalinta Arbacada isla markaana laga soo saarayo war-murtiyeed.

Horseed Media