Shrkii Garoowe-2 oo furmay iyo Mas’uuliyiin badan oo khudbado ka jeediyey

Published: February 15, 2012

Magaalada Garoowe waxaa ka furmay wajiga 2-aad ee shirka wadatashiga Dastuurka oo qaybtiisi hore ay Garoowe ka dhacday bishii 12-aad ee sanadkii hore.

Mas`uuliyiin tira badan oo metelaya dhinacyadii horay heshiiska Garoowe u saxiixay ayaa shirka ka qeyb gelaya, waxaana ka mid ah madax ka socota DKG, Puntland, Gal-mudug, iyo Ahlu-sunna.

Sidoo kale waxaa shirka jooga mas`uuliyiinta ugu sareysa xafiiskaqaramada midoobey ee Soomaaliya, xafiiska midowga Africa uu dalka Soomaaliya ku leeyahay, iyo Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiriif Xasan Sh. Aadan waxaana khudbado kala duwan ka jeediyey madax badan oo ay kamid yihiin madaxweyne Faroole, Ra`iisul wasaaraha DKG ah Prof. Cabdiweli iyo Augustine Mahiga.

Shirka oo sida la qorsheeyey socon doona mudo 3-maalmood ah waxaa la filayaa in xiritaankiisa ay kasoo qayb galaan mas`uuliyiin kale oo uu ka mid yahay madaxweynaha DKG ah ee Soomaaliya Shiriif Sh.Axmed.

Khudbadaha ay madaxda shirkaas ka qayb gelayaa jeediyeen iyo sawiradaba Horseed Media sidii ay horayba idiinku balan saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gubin doontaa.

 

Horseed Media