Sidee u dhacay Aaska Gen. Cadde Muuse Xirsi?-SAWIRO

Published: February 14, 2017

Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta oo Salaasa ah aas qaran loogu sameeyey garoonka diyaaradaha ee Bosaso marxuum Jen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Jen. Cadde).

Meydka Gen. Cadde ayaa saakey laga soo qaadey magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta halkaas oo uu ku geeriyoodey. Meykda marxuumka waxaa la socdey Xaaskiisi Cibaado Axmed Xirsi Boqor iyo caruurtiisi oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cadde Muuse, Ubax Cadde Muuse iyo Cabdullaahi Cadde Muusse.

Meydka marxuum Gen Cadde waxaa garoonka loogu sameeyey aas qaran oo ay ka qayb-galeen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas, ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Xaaji Camey Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Xildhibaano Saraakiisha ciidamada, waxaana ciidamadu ay halkaas ku bixiyeen salaan sharaf.

Sidoo kale waxaa tacsida marxuumka ka soo qaybgalay in badan oo kamid ah Isimada Puntland oo ay ka mid yihiin Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Suldaan Cabdiqani Cali Baale, Garaad Cabdisalaam iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo marti loo ahaa iyo qaar kale oo kamid ahaa isimada Puntland.

Dhanka magaalada Muqdisho waxaa ka ymid diyaarad ay la socdeen rayslawasaaraha xilku ka dhamadey Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Guhaad iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya.

Marxuum Gen. Cadde Muuse ayaa lagu aasey banaanka Koonfureed ee garoonka diyaaradaha Bosaso waxaana salaadii ku tekadey dad ku dhaw kun qof.

8 Febaraayo 2017 ayuu ku geeriyoodey isbitaal ku yaala Dubai halkaas oo uu ku xanunsanaa muddo 10 maalmood ah. Taariikhda Gen Cadde Muuse oo faah-faahsan (Halkan ka akhri)

SAWIRADA AASKA

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *