Siminaar horumarinta ganacsiga ku saabsan oo Boosaaso lagu soo gaba gabeeyey [Codad+Sawiro]

Published: February 28, 2012

Waxaa maanta magaalada Boosaaso lagu soo gaba gabeeyey aqoon isweydaarsi horumarinta ganacsiga ku saabsan oo mudo labo maalmood ah ka socdey xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ee Boosaaso.

Siminaarkan oo lagu baranayey waxyaabaha sababa fashilka ku yimaada ganacsiga iyo sida looga hortegi karo ayaa waxaa casharadii la qaatay bixinayey qoraaga Soomaaliyeed ee caanka ah ee Dr. Siciid Cali Shire.

Munaasabadii aqoon isweydaarsigan lagu soo xirayey oo ay joogeen ganacsatadii ka qayb qaatay iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa rugta ganacsiga ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim.

Wuxuuna u mahad celiyey Dr.Siciid Cali Shire isagoo tilmaamay in uu ganacsatada Puntland u hibeeyey in badan oo wakhtigiisa qaaliga ah kamida si uu ugu faa’iideeyo. Mr Xayir wuxuu dhinaca kale ganacsatada ku booriyey inay ka faa’iideystaan macluumaadkii ay heleen, si ay ganacsigooda ugu horumariyaan.

Dhegeyso codka gudoomiyaha Rugta

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/Maxamuud-Xayir.mp3“]

Cabdiraxamaan Maxamuud Jaamac Xundhur oo ku hadlayey afka ganacsatadii aqoon isweydaarsiga mudada labada maalmood ah socdey ka qayb galay ayaa u mahad celiyey rugta ganacsiga iyo Dr-ka casharada siiyey, wuxuuna sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay ganacsigooda ugu dabaqi lahaayeen macluumaadkii ay heleen mudadii ay Siminaarka ku jireen.

Dhegeyso codka ganacsade Xundhur

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/Cabdiraxmaan-Maxamuud-Jaamac-Xundhur.mp3“]

Dr. Siciid Cali Shire oo isna goobta ka hadlay ayaa hanbalyo iyo bogaadin u diray maamulka rugta ganacsiga oo si fiican usoo dhoweeyey, wuxuuna xusay inay sharaf weyn u tahay in uu la kulmo ganacsatada Puntland, isagoo intaas raaciyey in qof walba oo Puntland yimaadaa uu arki karo baaxadda horumarka ka jira iyo himilooyinka dhanka ganacsiga ah ee ay higsanayso mustaqbalka dhow.

Dhegeyso codka Dr. Siciid Cali Shire

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/Dr-Siciid-Cali-Shire.mp3″]

Si kastaba ha ahaatee aqoon isweydaarsigan oo lagu baranayey waxyaabaha keena fashilka ku yimaada ganacsiga iyo siyaabaha looga hortegi karo ayaa waxaa soo qaban qabisay rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland waxaana bixiyey Dr. Siciid Cali Shire oo ah qoraa caan ah, cilmi baare, iyo la taliye dhanka ganacsiga ah.

Horseed Media

Boosaaso