Sirdoonka Puntland oo qabey digniin ah: weerar ka dhaca Garoowe mudadii uu socdey shirkii Wadatashiga

Published: March 30, 2020

Sarkaal kamid ah Sirdoonka Puntland oo codsadey in aan magiciisa la shaacin ayaa Horseed Media u sheegay in ay heleen xog sheegaysa weerar ka dhacaya Garowe, bilowgii bishan Maarso, Sarkaalka ayaa Horseed u sheegay sheegay in ay aaminsanaayeen in weerarka la doonaayey in lala beegsanayo Shirkii Wadatshiga Puntland ee qabsoomey 15-18 March.

Puntland ayaa aad u adkeysey amniga shirkii Wadatashiga waxaana taasi keentey in weerarkasta oo la damacsanaa in shirkaas lala beegsado uu fashilmey.

Sarkaalka la hadley Horseed Media ayaa sheegay haddii uu shirku dhamaadey waxaa dhacdey in la joojiyey baaritaankii xogtaas, sidoo kale waxa uu sheegey in digniinta aan cidkasta lala wadaagin, loona qaatey in ay ahay waxa loo yaqaan “Bluff” ama been.

Sarkaalkan ayaa aaminsan in qofka habeenimadii xalay ee Isniintu soo geleysey Garowe isku qarxiyey, ee lagu diley Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaam Xassan Xirsi ay dhici karto in uu kamid ahaa xogtii ay heleen iyo kooxdii Garoowe u soo gashey in ay weerar la beegsadaan Shirkii Wadatashiga, laakiin markii taasi fashilantey ay hadda beegsadeen meelaha ay is leeyihiin waa jilicsan tahay.

Puntland ayaa wacad ku martey in ay baaritaan adag samayneyso caddaaladdana horkeneyso kooxda argagaixsada ah ee qaraxa ka geystey Garowe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *