Siyaasiyiin baaq adag ka soo saaray arrinta Magaalada Laascaanood

Published: February 3, 2023

Ku dhowaad 30 Siyaasi oo isugu jira Ra’iisul wasaarayaal hore, guddoomiyayaal barlamaan oo hore, Wasiiro hore, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, ayaa baaq adag ka soo saaray arrinta gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood. 

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay mabda’ ahaan u difaacdo xorriyadaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta aaminsan una taagan midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeen in uu cadeeyo mawqifkiisa xaaladda gobalada SSC, iyagoo ka digey adeegsiga awooda ciidan oo ay Somaliland qorsheynayso, iyagoo ku dhaliilay in ay diidan tahay dadku in ay aayahooda ka tashadaan.

Siyaasiyiintan, waxay soo jeediyeen in la dadajiyo wada hadalada Muqdisho & Hargaysa, lana raaco wada laysku waafaqsan yahay oo ay qeyb ka yihiin dhammaan dhinacyadu.

Somaliland ayaa iskugu geysay dhammaan awooweeda ciidan, sidaas oo kale dadka deegaanka ayaa maalinkii 7aad leh wada hadalo masiiri ah.

Horseed Media