Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada oo dalbaday in la baaro dilka Almaas

Published: November 21, 2019

Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay Dowladda Somaliya ugu yeereen inay si sax ah u baarto dilkii shalay galab Almaas Elman loogu gaystay magaalada Muqdisho.

Gabadhan ayaa waxaa lagu dhex dilay xerada Xalane, xilli ay ku sii jeeday garoonka Aadan Cadde, iyadoo markaasi safar ugu amba bixi laheyd magaalada Nairobi ee Kenya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa isagoo ku hadlaya afka Madasha Xisbiyada Qaran wuxuu sheegay in Madasha ay dowladda ka dalbanayso baaritaan buuxo oo lagu sameeyo dilka gabadhaasi.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in goobta gabadha lagu dilay ay tahay meel aad loo ilaaliyo, isla-markaana aysan suurtagal ahayn in dad lagu dilo, iyadoo aan la garanayn ciddii dishay.

Xildhibaan Fiqi ayaa wuxuu ka digay in baaritaankan uu noqdo mid lamid ah baaritaankii lagu sameeyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaasoo aan wax natiijo ah laga soo saarin.

Dowladda Somaliya ayaa cambaareysay dilka Almaas Elman, iyadoo Taliska Boolis-kuna uu sheegay in ay wadaan baaritaano dilkaasi la xiriira.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *