Slovenia oo aqoonsatay dowladda Falastiin

Published: May 31, 2024

Xukuumadda Slovenia ayaa Khamiistii shalay ansixisay go’aan ay ku aqoonsanayso dalka madax-bannaan ee Falastiin, sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Robert Golob, isagoo raacay tillaabooyinkii sidan oo kale horey u qaadeen dowladdaha Spain, Ireland iyo Norway.

“Maanta dowladdu waxay go’aansatay inay Falastiin u aqoonsato dal madax-bannaan” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ljubljana.

Baarlamaanka dalkan kamid ah xubnaha Midowga Yurub waa inuu sidoo kale ansixiyaa go’aanka dowladda maalmaha soo socda.

Sharci-dajiyayaasha Slovenia ayaa Talaadada soo socota u codeynaya in la aqoonsado dowlad Falastiin, ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran ee xaquuqda looga doonayo shacabka Falastiin iyo waliba cadaadiska la saarayo Israa’iil inay soo afjarto xasuuqa Gaza.

Inta baddan dalalka Adduunka ayaa aqoonsan dowlada Falastiin, marka laga reebo wadamo faro ku tirisa ah oo ay ku jiraan qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub iyo Mareykanka oo horey aqoonsiga Falastiin xujo uga dhigay heshiis dhexmara Israel iyo Falastiiniyiinta.

Horseed Media