Somaaliya: 61 Kiis Oo Cusub Iyo Tirada COVID19 Oo Gaadhay 2,500

Published: June 12, 2020

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 61 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 2,513 kiis.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Dr. Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Somaliland 25, Gobolka Banaadir 13, Galmudug 8, Koonfur Galbeed 8, Puntland 5, iyo Jubbaland 2 qof.


Dhanka kale Dr. Fowziya ayaa sheegtay inay fayraska ka bogsoodeen 26 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 532.


Bukaannada cusub 34 kamid ah waa rag, 27-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay hal bukaan ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 85 qof.


Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *