Somaliland iyo Al Shabaab oo ka wada shaqeenaya Weerar ka dhan ah Puntland? XOG

Published: September 11, 2018

Ciidamada Puntland, dagaalkii Suuj iyo Garmaal 2016
Xog isa soo tareysa oo ay warbaahinta Horseed Media ka helayso xubno kamid ah maamulka Somaliland iyo saraakiisha sirdoonka ayaa sheegaya inuu jiro dhaq dhaqaaq ay kooxda Al Shabaab ka wado gobalka Mudug kaasi oo ku wajahan deegaanada Puntland.

Mid kamid ah saraakiisha sare ee ka tirsan hay`ada sirdoonka ee Soomaalida oo ka gaabsaday magaciisa in la xuso ayaa sheegay inuu jiro xiriiryo muddooyinkii danbe u dhaxeeyey maamulka Muuse Biixi iyo kooxda Al Shabaab oo ku aadan duulaan ka dhan ah deegaanada Puntland, xili ay ciidamada Somaliland iyo Puntland isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Sida ay sheegayso xogtan kasoo baxaysa dhinaca Hargeysa, ayaa lagu sheegay in dhawaan la filayo in kooxda Al Shabaab weerar dhinaca badda iyo dhulka ah kusoo qaado deegaanada Puntland, arrintan oo dhinaca maalgelinta loo xilsaaray mas` uul xil sare ka haya maamulka Muuse Biixi ee Soomaaliland, kaasi oo aan ka gaabsanay inaan halkan magaciisa ku shaacino.

Maleeshiyaad ka badan 1500 oo ah Al Shabaab oo xiligan lagu diyaariyey deegaanka Xarardheere ee gobalka Mudug ayaa la sheegay in ay kusoo wajahan yihiin gobalka Mudug.

Kooxda Al shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay waday xiriiryo kala duwan ay la yeelanayso qabaa` ilka ku nool gobalka Mudug, gaar ahaa dhinaca maamulka Galmudug, kuwaasi oo ay u sheegeen inaysan caqabad ku noqon qorshahooda ku wajahan deegaanada Puntland. Kulamadan inay jiraan ayey Horseed u xaqiijiyeen qaar kamid ah odeyaasha Galmudug oo noo suurto gashay inaanu xiriir la sameyno.

Horseed Media si madax banaan uma xaqiijin karto xogtan hase yeeshee Kooxda Al shabaab ayaa horey qaabkan oo kale ugu soo duushay deegaanada Puntland bishii Maarso ee sanadkii 2016, kadib markii ay dagaalyahanada Al Shabaab oo wata doonyo kasoo degeen nawaaxiga toga Suuj iyo Garacad, halkaasi oo dagaalo culus ka dhacay lagu jabiyey garabka Al Shabaab oo looga qabtay maxaabiis ku dhaw 100.

Horey ayey u jireen warar sheegaya in Al Shabaab marar badan damacday inay jabkaasi uga jawaabto weeraro kale oo ka dhan ah maamulka Puntland oo uu kamid ahaa weerarkii ka dhacay Afurur. Balse qorshahan cusub ee iskaashiga dhinaca Somaliland ayaa noqonaya mid kusoo beegmaya xili ay weli taagan tahay xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ee gobalka Sool.

Waxaana dhawaan la filayaa in deegaanka Puntland ka dhacdo doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Mar aan isku daynay inaan saraakiisha amniga ee Puntland wax ka weydiino xogtan ayey intooda badan ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan waxa ay kala socdaan wararkan.

Sidoo kale nooma suurto gelin inaan jawaab ka helno dhinaca Somaliland.

Abdirisak Shino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *