Somaliland oo beenisay eeday uu xisbiga UCID u jeediyay Jabuuti

Published: October 5, 2019
Wasiir Yaasiin Xaaji Fatatoon

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Fatatoon, ayaa ka hadlay arimo ay ka mid xiriirka dowladda Jabuuti iyo Somaliland.

Wasiirka ayaa ku gacan-sayray dalabkii xisbiga UCID ee ahaa in safiirka dalka Jabuuti laga saaro deegaanada Somaliland.

ÔÇØ Faysal wuu hadlay, wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, ninku wax dambiya muusan gelin, sabab dalka aannu uga saarnaana ma jirto safiirka dalka Jabuuti, kama saarayno, ee waxa┬á haboon in dacaayadaha la joojiyo,┬á umadana yaan la khaldin oo yaan waxkasta la buun buuninÔÇØ ayuu yiri wasiir Faratoon.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale  sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay walaalo yihiin xiriir soo jireen ahna uu ka dhaxeeya, isagoo sheegay in aysan jirin wax cadaawad ah oo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu u qabo Somaliland, iyadoo arintaas uu guddoomiyaha xisbi mucaaradka UCID uu horay ugu eedeeyay Jabuuti.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *