Somaliland oo beenisay in wasiiro ka tirsan maamulkaas ay tageen Israel

Published: July 11, 2022

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa waxaa lagu beeniyey in wasiirka wasaaraddaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ay shir uga qayb-galeen Israel, kaas oo looga hadlayey xiriir dhex-mara Israel iyo Afrika.

Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas oo ay si uga hadleen warbaahinta Israel, sida wargayska caanka ah The times of Israel.

“Warar aan sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay wargayska The Times of Israel kaas oo ay  ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo wadamada Afrika, waana been cad oo marag ma doona” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya  “Abdiqani Maxamuud Caateeye waxa uu mudooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlaha qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii  qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudadda 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *