Somaliland oo dagaal ka socda duleedka Laascaanood ku eedeysay Puntland 

Published: February 27, 2023

Xuluumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalka saaka duleedka Laascaanood ayaa sheegtay in ciidanka Puntland ay weerar kusoo qaadeen ciidamadooda.

Somaliland ayaa sidoo kale inay weerarka ay qeyb ka ahaayeen kooxo ay ku tilmaamtay nabad-diid ah iyo argagixiso

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerka lagu soo qaaday, masuuliyadiisana ay qaadayaan Puntland.

30-kii maalmood ee lasoo dhaafay Somaliland, waxay sheegaysaa in ay la dagaalamayso Argagixiso, ciidamo Puntland ah iyo kooxo nabad-diid ah.

Horseed Media