Somaliland oo dhaq-dhaqaaq dagaal ka wada xuduudka SSC-Khaatumo

Published: April 17, 2024
Shares24

Maamulka Muuse Biixi ee Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyey dhaq-dhaqaaq xooggan ka wadey jiidaha ciidamadu isku hor fadhiyaan ee degmada Oog oo u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood.

Somaliland ayaa boqolaal dhalinyaro ah oo ay sheegtey in tababar u soo xirtay keentey furimaha la isku horfadhiyo, sidoo kale gaadiid dagaal oo dheeraad ah ayaa la keenay.

Wararku waxay sheegayaan in Somaliland dooneyso in ay dagaal dib ugu soo qaadeyso gobolka Sool oo laga saarey bishii Agoosto ee sanadkii hore, ka hor maalinta ay sida weyn u xusaan ee 18 May.

Ilaa saddex deegaan ayaa ciidamo dheeraad ah la keenay sida ay sheegayaan dadka deegaanka, waxaana kamid ah Buqdharkeyn iyo Oog.

Dhanka kale maamulka SSC-KHaatumo ayaa si weyn isugu diyaariyey in ay iska difaacaan colaadkasta oo ga timaada Somaliland. Ku dhowaad 400 oo maxaabiis ah ayaa maamulka SSC-Khaatumo ka hayaan ciidamada Somaliland.

Xoghayaha Warfaafinta maamulka Khaatumo SSC, Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin deegaanadooda isla markaana aysan cidna dagaal kula jirin haatan, balse waxa uu qiray in ay jiraan dhaqdhqaaqyo ka socda meelaha xadka u ah labada dhinac.

Muuse Biixi ayaa lagu cadaadiyey in doorashada uu ku qabto xiligeedi kadib muddo kordhin laba sanno ah oo horey loogu sameeyey oo gabaabsi ah, waxaana la is weydiinayaa gulufkan uu hadda dumaayo in ay tahay xeelad kale oo uu muddo kordhin ku raadinaayo.

HORSEED MEDIA