Somaliland oo Diiwaangelinaysa Mihnadleyaasha Caafimaadka

8 April, 2020

Wasaaradda Horumarinta caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furtay nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo…

Wasaaradda Horumarinta caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furtay nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo mihnadleyaasha caafimaadka ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19.

Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey bilowga habkan casriga ah oo qof kasta oo mihnad caafimaad lihi uu si fudud isu diiwaangelinayo isaga oo gurigiisa ama goobtiisa shaqada joogo, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraada Horumarinta caafimaadka, waxana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida ka hortagga iyo u diyaar-garowga xanuunka COVID-19, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, mudane Cumar Cali Cabdilaahi, wasiir-ku-xigeenkiisa, agaasimaha guud, xubno kale oo kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale.

Madasha waxaa lagu faah-faahiyey muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay guud ahaanba qaranka iyo badqabka bulshada reer Somaliland ka hadlay masuuliyiinta Shirkada waddaniga ah ee GTS oo si muwaadinimo ah, dareen leh isugu xilqaantay inay agabkan ugu deeqdo una sameeyso wasaaraddu inay kaga hawlgasho arrinta xanuunka coronavirus ee khatarta ku ah bulshada caalamkana saameeyey, oo ay sheegeen inay u arkeen inay tahay meesha kaga haboon dedaalka loogu jiro in qarankani helo muwaadiniin isxilqaantay oo barbar istaagta qaranka .

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu nimaadkani leeyahay iyo sida uu uga qayb qaadanayo yaraynta isu imaanshiyaha bulshada, isaga oo intaas ku daray mihnadle kasta oo isa soo diiwaangeliya ay wasaaraddu si fudud u arkayso macluumaadkiisa iyo heerka aqoontiisa, islamarkaana uu noqon doono adeego bulsho waqti kasta loo baahdo inta xanuunkani jiro.

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa isaguna bogaadiyey nidaamkan casriga ah ee sida fudud loogu diiwaangelinayo xirfadleyaasha caafimaadka, waxanu ugu baaqay cid kasta oo aqoon caafimaad leh inay is diiwaangeliso, si ka hortagga Aafada COVID-19 loogu helo xirfadleyaal aqoon buuxda u leh arrimaha caafimaadka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Mncha allha waa arin fiican oo ku dayasho mudan talaabada ay qaaday GTS,wxa iga su,aal ah wxn ah xirfadle caafimad wxn ubaahanay sida ugu fudud ee laysku diiwn galin karo