Somaliland oo ictiraaf ka codsatay dalka Gambia!

Published: July 2, 2020
Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Gambia
Dr.Tangara

Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Gambia ayaa si adag u cambaareeyey xildhibaano doonayey inay u ololeeyaan ictiraafka Somaliland, xildhibaanadaasi oo la sheegay inaysan waxna kala socon siyaasada iyo xaalada dalka Soomaaliya.

Somaliland oo in muddo ah baadi-goob aan lagu guuleysan ugu jirtay inay hesho hal dal oo ictiraafa ayaa muuqata inay xiligan bedashay qaabkii ay u wajihi jirtay ictiraaf raadinta iyadoo wakhtigan xooga saartay inay xiriir la sameyso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo jeeda dalalka Galbeedka Afrika oo intooda badan aan wax xog ah u heyn xaalada Soomaaliya.

Sanadkii lasoo dhaafay ayey ahayd mar uu safar dalka Jamhuuriyadda Guinea ku tagay Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi, isagoo sheegay inuu casumaad ka helay Madaxweynaha dalkaasi, walow aan saxaafada loo soo bandhigin kulankii ay wafdiga Somaliland sheegeen inay la yeesheen Madaxweynaha dalkaasi. Safarkan ayaa la sheegay inay kasoo shaqeeyeen ganacsato kasoo jeeda Somaliland.

Dalka Gambia oo isaguna ah dal aad u yar oo ku yaal galbeedka Afrika xaduudna laleh dhulka Senegal oo ku hareeraysan, ayaa waxaa muuqata inuu gaaray ololihii Somaliland ee ictiraaf-raadinta, dalkan ayaan sidoo kale ka fogeyn wadankii uu sanadkii hore booqday Muuse Biixi ee Guniea.

Dhowr xildhibaan oo ka  tirsan Golaha Wakiilada ayaa isku dayey inay Baarlamaanka dalkaasi horgeeyaan su’aalo ku aadan in dalkooda uu ictiraafo Somaliland, hase yeeshee waxaa su’aalahan soo afjaray Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkaasi Dr. Momodou Tangara.

Wasiir Tangara ayaa la yaab ku tilmaamay in xildhibaanadan oo aan wax xog ah u hayn xaalada dalka Soomaaliya ay faraha la galaan arrimo xasaasi ah oo uu sheegay inuu caalamka ka mideysan yahay.

“…Marka u horeysa xildhibaanadiinan waa inaad soo akhrisataan taariikhda dalka Soomaliya, isla markaana booqataan warbaahinta ka hadasha xaalada Soomaaliya, intaydan faraha la gelin arrimo xasaasi ah oo aydan wax xog ah u hayn…” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Momodou Tangara oo ka jawaabayey su’aalaha Xildhibaanada.

Xildhibaanadan ay Somaliland xiriirka la sameysay ayaa ka tirsan Xisbiga [ United Democratic Party (UDP)] kuwaasi oo hada kahor sidan oo kale isku dayey inay u ololeeyaan ictiraafka dowlada Taiwan.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Gambia ayaa xasuusiyey xildhibaanadan in ay hada kahor khatar usoo jiideen dalka Gambia kadib markii ay sidan oo kale u ololeeyeen ictiraafka dalka Taiwan, arrintaasi oo uu sheegay inay dalkooda gelisay go’adoon siyaasadeed.

“…Caalamka oo dhan iyo Midowga Afrika waxay aqoonsan yihiin oo kaliya hal dowlad oo Soomaaliya ka jirta waana Dowlada Federaalka Soomaaliya…” ayuu yiri Wasiirka oo talo kusiiyey Xildhibaanadan inay faraha kala baxaan hawshan sida ay baahiyeen warbaahinta dalkaasi.

Waxaa xusid muddan in safarkii sanadkii hore Muuse Biixi ku tagay Guinea lagu soo beegay sidan oo kale bisha Luulyo oo uu dalka Soomaaliya u dabaaldego Maalmaha xoriyada, xiligaasi oo sida muuqata Somaliland uga faa’iideysato in markale ay kiiskooda geeyaan dalalka Galbeedka Afrika oo intooda badan ku hadla luuqa Faransiiska kuwaasi  oo aan wax badan kala socon xaalada wadanka Soomaaliya.

Keyse Adam
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *