Somaliland Oo Itoobiya U Saxiixday Qayb Kamid ah Badda Cas

Published: January 1, 2024

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u saxiixay Dowladda Itoobiya, heshiis u ogolaanaya lahaanshiyaha Badda Cas qeyb kamid ah oo ay u yeelanayso, si aan kiro aheyn.

Ra’iisulwasaare Abiye Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa heshiiskan ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa sida ay qortay warbaahinta dawladda Itoobiya.

Itoobiya ayaa heshay fursad ay mudo dheer baadigoobaysa oo ah helitaanka Biyo badeed ay leedahay, taas oo dhawaan RW Abiy ku dhawaaqay in ay qasab tahay in lahelo, sidaas oo kale Somaliland ayaa heshay fursad weyn oo ah galaangalka diblumaasiyadda iyo maqaam sare oo ay ka heshay dhinaca Itoobiya, iyadoo Addis Ababa ka shaqeynayso furida albaab kale oo diblumaasiyadeed, sida kucad heshiiska labada dhinac.

Waxaa laga war dhowrayaa sida ay arrintan uga falceliso dowladda Soomaaliya.

Horseed Media