Somaliland Oo Ka Hadashay Arday Lagu Dilay Jaamacadda Camuud

Published: July 6, 2021

Maamulka Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa ka hadlay dil xalay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland uu Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolkaas ugu geystay Arday dhiganayay Jaamacadda Camuud ee Magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu marka hore sheegay inay aad uga xun yihiin falka loo geystay Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo uu si bareer ah u dilay Askari ka tirsan Booliska, kadib muran kooban oo labadooda dhexmaray.

Guddoomiye Maxamed Caalim ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday Ibraahim oo ahaa Arday Jaamacadda Camuud ee Boorama ka baranaayay Kulliyada Engineering-ka gaar ahaan Civil Engineering ee Jaamacadda oo uu waday sanadkii labaad.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in laamaha amniga Gobolka ay gacanta ku dhigeen Askarigii dilka geystay, isla markaana uu xiran yahay, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan.

Dilka loo geystay Marxuum Ibraahim ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Askariga iyo isaga uu muran soo kala dhexmaray, kaasi oo la xiriiray in Cabdishakuur uu dalbaday in uu soo qaato taleefon uu ku soo iloobay Fasal uu Imtixaan kugalay, balse uu rasaas ku furay Askariga, sidaasina uu ku dhintay.

Maamulka Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ardaygu xirnaa dhar leh Midabka Calanka Soomaaliya oo ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyay baraha bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *