Somaliland oo ka jawaabtay inay khal-khal gelisay maamulida hawada Soomaaliya

Published: February 20, 2024

Somaliland oo ka jawaabtay eedaynta loo soo jeediyey ee khal-khal gelinta maamulka duulista hawada Soomaaliya ayaa dowlada Federaalka ku eedaysay inay “ku soo xad-gudtay” hawadeeda, isla markaana ay “ siyaasadeeyeen” duulimaadyada rayidka ah.

Somaliland ayaa sheegtay in Dowlada Soomaaliya ay qorsheynayso inay soo saarto NOTAM oo ay ku shaacinayso xidhitaanka hawada Somaliland.

Maamulka duulista iyo madaarada Somaliland ayaa sheegay in ay wadaan qorshooyin ay taas uga jawaabayaan hadii ay dowlada Federaalka tilaabasaadi qaado.

War saxaafadeed ka soo baxay hay’adda duulimaadka rayidka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa si adag loogu canbaareeyey carqaladeynta sii socota ee ka imaaneysa Hargeysa taas oo dhibaato ku ah dhamaan diyaaradaha isticmaalaya hawada jamhuuriyadda.

War saxaafadeedka ayaa lagu xusey in dowlad shisheeyey ay arrintan gacanta kula jirto taas oo loo badinaayo in ay tahay Itoobiya.

Horseed Media