Somaliland oo ku dhawaaqday inay qaadi doonto tallaabooyin millateri oo qorshaysan

Published: March 26, 2023
Shares66

Afhayeenka millateriga Somaliland Cabdi Dheere, ayaa sheegay in ciidamada Somaliland maanta laga bilaabo ay qaadi doonaan tallaabooyin millateri oo qorshaysan, si ay ugu qabsadaan Magaalada Laascaanood.

Afhayeenka ayaa sheegay in horey Ciidamada Somaliland markasta ay u ahaayeen difaac balse aanay arrintaasi suurtagal ahayn wixii maanta ka dambeeya sida uu hadalka u dhiggay.

Sidoo kale Puntland ayuu ku eedeeyey in ay dagaalka ku jirto, oo ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan magaalada Laascaanood.

Hadalkan ayaa ku aadaya xilli maanta uu dagaal culus ka dhacay duleedka Laascaanood, halka ciidamo fara badan oo gurmad u ah dadka degaanka SSC ay halkaasi gaareen. 

Horseed Media