Somaliland oo markale gaadiid dagaal looga qabsaday gobalka Sool

Published: November 22, 2023

Inta la xaqiijiyey 30 askari ayaa ku dhimatay dagaal subaxnimadii Arbacada ka qarxay deegaanka Buq-dharkeyn ee gobalka Sool.

Ciidamada Somaliland oo kaashanaya kuwa qabaa’ilka ayaa subaxnimadii hore weerar ku qaaday goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada SSC-Khaatumo.

Dagaalkan oo muddo socday ayey xabada joogsatay galabnimadii.

Ciidamada Somaliland ayaa ugu yaraan 7 gaadiidka dagaalka ah looga qabsaday dagaalka, waxaana jira tiro maxaabiis ah oo gacanta looga dhigay.

Deegaankaasi ayey ku sugnaayeen wafdi Nabaadoono iyo Issimo ah oo ka ambabaxay magaalada Laascaanood.

Dagaalkan ay Somaliland soo qaaday ayaa u muuqday mid lagu carqaladeenayo dadaalada nabada ee halkaasi ka socday.

Maamulka SSC ayaa ku eedeeyey dagaalkan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Horseed Media