Somaliland oo saldhig ciidan looga qabsaday dagaal culus oo ka dhacay Laascaanood

Published: February 25, 2023
Shares44

Dagaal aad culus ayaa ka socda Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya ciidamada Soomaliland iyo dadka deegaanka.

Mid kamid ah saldhigyadii ciidan ee uu ku sugnaa Taliyaha ciidanka Somaliland ee gobalka Sool ugu magacownaa Jen. Mahad Cambaashe kana soo jeeda gobalkan, ayaa ka baxay gacantiisa.

Sidoo kale ciidamada degaanka ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah baabuurta Gaashaaman ee dagaalka.

Somaliland ayaa goor sii horreysay sheegtay in ciidankeeda la weeraray, ayna iska difaaceen kooxo ay ugu yeertay Argagixiso nabad diid aragtideeda kasoo horjeeda.

Xerada Guul-wadayaasha, ayaa ahaa bartilmaameedka ugu xoogan ee ay dadka deegaanka doonayeen in ay qabsadaan, halkaas oo ay yaalaan hub xoogan oo ay Somaliland keentay maalmihii lasoo dhaafay.

Horseed Media