Somaliland oo sheegtay in Garaadada gaaray Laascaanood ay iyagu soo dhoweeyeen

Published: January 24, 2023
Shares16

Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Taani Ismaaciil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay xukumaan oo ay gacantooda ku jirto iyagu magaalada Laascaanood.

Taliye Nuux ayaa sheegay in gaadiidka iyo ciidanka hubeysan ee magaalada soo galay galbinayay Isimadda dhaqanka ay iyaga xukumaan.

”Baabuurtii Soo dhoweyay Garaadada waxa ay ahaayeen Gawaaridii Ciidanka Soomaaliland Waxaana sidaas u samayn in ay Gaadiid Cadow nagu ihi uu san Gobolka Soo galin.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Soomaaliland Nuux Taani.

Nuux ayaa sheegay in ay gudanayaan waajibaadkooda, oo uu sheegay in ay tahay difaaca, wuxuu ku hanjabay in nabadda Sool ay iyagu ku nool-yihiin.

Dadkii ay ciidamadu dileen ayuu sheegay in ay ahayd talaabo nabadgalyada lagu xaqiijinayay, wuuna Ka tacsiyey.

Nuux Taani ayaa sheegay in aysan aqbaleyn wax aan doonistooda aheyn, oo aysan raali ka noqoneyn, ciidamadooduna u soo galeen magaalada in ay nabadgalyada sugaan.

Horseed Media