Somaliland oo sheegtay inay la wareegeen Magaalada Laascaanood

Published: February 17, 2023
Shares2

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay xaalada Magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in ay degan tahay isla markaanna Gudoomiyaha gobalka Sool, shaqadiisa ka bilaabay xaafiiskiisa Laascaanod.

Taliyaha ciidanka Somaliland Nuux Ciise Taani ayaa sheegay in ay magaalada la wareegeen oo ay kooxo Argagixiso goobo-yar kaga sugan yihiin, kuwaas oo halis ku ah daganaanshaha Geeska Africa.

Shalay, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ciidamadiisu magaalada kujirin oo ay banaanka uga maqan yihiin, ayna diyaar u yihiin in ay xabadjoojinta hirgaliyaan.

Duqeymihii ugu badnaa maanta ayaa soo gaaray fiidnimadii caawa, in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan adeegyaasha caafimaadka ayaa waxyeelo soo gaartay, taas oo ka hor imaaaysa xeerarka dagaalka.

Horseed Media