Somaliland oo sheegtay inay weli u turayaan Magaalada Laascaanood

Published: February 14, 2023
Shares32

Taliska ciidanka Somaliland oo ka hadlay xaaladda Magaaladda Laascaanood ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan dhalinyarro abaabulan oo ay argagixiso iyo Puntland ka dambeeyaan.

Taliska ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aysan weli qaadin waxa dagaal ah, ayna u turayaan bulshada iyo magaalada.

Sidoo kale Taliska waxa uu sheegay in Isimadda SSC aysan cidna maamulin lana dhageysan hadaladooda, balse talada ay gacanta ku hayso Ururka Al Shabaab.

Taliska ciidanka Somaliland ayaa Madaafiicda magaalada lagu garaacayo iyo guryaha la duminayo ku eedeyey inay ka dambeeyaan Al Shabaab, si dambiga loo saaro ciidankooda.

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in Shaqaaqada Laascaanood ka taagan ay soo afjarmi doonaan, ciidankuna waxay fulinayaan amarada Madaxdooda iyo Xukuumadda Somaliland.

Horseed Media