Somaliland oo sii daysay wasiiro ka tirsanaa xukuumada Cabdi Maxamuud Cumar oo dhawaan la xiray.

Published: August 26, 2018

Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada, iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda ee xukuumadii Cabdi Mxamuud Cumar uu hogaamin jiray ee DDSI ayaa maanta la sii daayey ka dib markii dhawaan lagu xiray garoonka diyaarada ee Magaalada Hargaysa sidaas waxaa BBC u sheegay wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirku waxa uu u sabeebay sababta loo xiray in Somaliland ay kusoo galeen Viso La`aan wax intaas faahfaahsana kuma uusan darin.

Wasiir ka tirsanaa xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa inta badan iska tagay shaqooyinkii ay hayeen ka dib markii lagu eedeeyay xadgudubyo xaga biniaadantinimada ah sidoo kalena ay dawlad deegaanka ka dhaceen rabshado kala duwan.

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *