Somaliland oo war cusub ka soo saartay dagaalka Laascaanood

Published: February 8, 2023

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa xaqiijisay in dagaalka Laascaanood uu galay maalintii saddexaad.

War ka soo wasaaraddan ayaa lagu sheegay in “kooxo xagjir ah ay saaka weerar ku qaadeen ciidamada Somaliland oo ku sugan fariisimahooda.”

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kale, iyadoo aan wax faahfaahin buuxda laga hayn khasaraha jira.

Dadka degaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dad badan ka bara kacayaan magaalada Laascaanood.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaanno lagu sameeyo dhacdooyinka laga soo tebiyay Laascaanood oo ay dad badan ku dhinteen.

Horseed Media