Somaliland oo war ka soo saartay dagaalkii cuslaa ee shaley ka dhacay duleedka Laascaanood

Published: April 2, 2023

Taliyaha qaybta 12aad ee Ciidanka Somaluland Gen Faysal Cabdi Bootaan ayaa ka hadlay xaalada magaalada Laascaanood, gaar ahaan dagaalkii cuslaa ee shaley ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Faysal Cabdi Bootaan oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Puntland iyo argagixiso uu hogaaminayo Cabdi Madoobe ay shalay ka soo weerareen saddex jiho.

Sido kale Faysal Cabdi Bootaan ayaa Adeegsaday erayga ah “Waa nabad gelayo waana nabad qabnaa” kadib markii ilo kala duwan ay xaqiijiyeen in uu ku dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay Laascaanood.

Taliye Faysal ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood aysan duulaan ku aheyn balse ay ku soo duuleen Argagixiso iyo Puntland, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka reer Laascaanood 15sano ayaan la noolayn oo weerar kuma aan ahayn niman soo duulay iyo argagixso kusoo dhex dhuuntay iyo maamulka Puntland oo cadaystay ayaa howshaas dagaalka keenay” ayuu yiri Faysal Cabdi Bootaan.

Horseed Media