Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Wadani

Published: November 17, 2019

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga Mucaraadka ee Wadani, sidoo kale waxay joojiyaan isu soo bax dadweyne oo uu ku baaqay guddoomiyaha Xisba c/raxmaan Ciro.

Bidix, Xoghayaha Xisbiga iyo Afhayeenka Xisbiga Wadani

Masuuliyiinta la x-ray ayaa Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi & Afhayeenkii Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun. sidoo kale xukuumada Somaliladn waxay ciidamo hubaysan gaysay xarunta xisbiga Wadani ee Magaaladda Hargaysa.

Gudoomiyaha xisbiga Wadani ee Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargaysa ayaa Taageerayaashiisa Ugu baaqay Mudaharaad Ka Dhan Ah xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuusan waxba kala socon xeerarka iyo dastuurka Somaliland

Dhinaca kale, Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab waafi ah ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga waddani cabdiraxmaan Cirro.

“gudoomiye cirro mar uu la hadlayey maanta warbaahinta waxa uu sheegay in aanu xeer Lr. 20/2001 aanu gudoomiyuhu saxeexin, sida uu hadalka u dhigayna aanu arag. Gudoomiye cirro oo muddo dheer xilkaasi soo hayey xeer Lr. 20/2001, golaha wakiilada ee uu gudoomiyuhu, gudoomiyaha ka ahaa waxa la horkeenay todoba jeer, todobada jeerba waxa lagu sameeyey waxka bedel, isagaana gudoomiye ka ahaa golaha, todobadaa jeer waxay ku taariikhaysan yihiin” ayuu yiri afhayeenku

Sidoo kale waxa uu afhayeenka oo hadalkiisa sii wada ayaa ka hadlay madal qaran oo uu ka hadlay gudoomiye cabdiraxmaan in laysugu yimaado waxaanu yidhi

“wuxuu maanta ka hadlay gudoomiyuhu arrin aanay shacbiga Somaliland dhegehoodu jeclaysan dhawaaqeeduna uu dhiilo ahaa oo qarankani halka uu marayo iyo Meesha aynu ku socono iyo meeshaynu ka nimi midnaba aan midibkeedii lahayn, Madal Qaran Shir Beeled Iyo Guuro bahalayn Hoose Oo Reereed Maanta Somaliland Way Soo Dhaaftay, Kuma Noqonayso” Afhayeen Maxamuud Warsame

Maalmihii u dambeeyay waxaa Somaliland hareeyay muran la xiriiray xubno lagu daray Komishanka doorashooyinka Somaliland, kuwasoo ay ansixiyeen Gollaha wakiiladda Somaliland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *