Somaliya oo ka codsatay Imaaraadka inuu dib u bilaabo dhaqaalihii uu militariga ku bixin jiray

Published: February 8, 2018

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Arbacadii shalay xafiiskiisa kula kulmay Safiirka imaaraadka u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Axmed Cisman Al Hammadi.

Kulankan ayaa looga wada hadlay xiriirka labada dal iyo waliba taageeradii Imaaraadka siinjiray ciidamada iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayey tan iyo intii dowlada Soomaaliya sanadkii tagay ku dhawaaqday inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka, iyadoo Imaaraatiga filayey in Soomaaliya ay ku biiraan xulafada Sacuudiga hogaamiyo ee cadaadiska saaray dowlada Qatar oo iyaduna kamid ah dalalka deeqda siiya Villa Somaliya.

Imaaraatiga ayaa mashaariicda uu ka wado Muqdisho midka ugu weyn u ahaa tababarada ay siin jireen ciidamada Militariga, ciidamadaasi oo ay ku wareejiyeen dowlada Federaalka dhamaadkii sanadkii hore, waxaana la sheegay in ay jareen lacagtii ay ku kabi jireen Federaalka dhanka ciidamada.

Inkastoo aan war rasmi ah laga soo saarin kulankan dhexmaray Madaxweynaha iyo Safiirka ayey xubno ku dhaw dhaw Villa Somaliya oo la hadlay Horseed sheegeen in qodobada ugu weyn ee laga hadlay u ahaa dhaqaalihii Imaaraatiga siin jiray ciidamada. Warbaahinta Imaaraatigu ayaa iyaguna sheegay in Madaxweynaha si weyn usoo dhaweeyey taageerada imaaraatiga siiyo isla markaana ka codsaday in lasii xoojiyo.

Imaaraatiga ayaa dhinaca kale doonayey inuu saldhig militari ka sameysto magaalada Berbera ee Soomaaliland arrintaasi oo ay weli warar kala duwan kasoo baxayaan in masharuucaasi la hirgelin doono iyo in kale.

Dowlada Federaalka ayaa wajaheysa caqabado dhanka dhaqaalaha ah xili ay dooneyso inay hirgeliso dhismaha ciidamada Qaran oo la sheegay in loo tababari doono ciidamo gaaraya 18.000 askari.

Dalka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay sanadkii tagay inay hoos u dhigeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen militariga Soomaaliya.

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo xiro shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha maamulada xubnaha ka ah Federaalka iyo Madaxda Qaranka, kulankaasi oo looga hadlay qorshaha Amni ee Qaranka sanadkan aan ku jirno.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *