Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka waxay kala saxiixdeen heshiis lagu cafiyay $1.14 bilyan oo dollar oo deyn…
Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka waxay kala saxiixdeen heshiis lagu cafiyay $1.14 bilyan oo dollar oo deyn ah oo lagu leeyahay Soomaaliya.
Munaasabadda lagu saxiixay heshiiskan oo ka dhacday safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley.
“Munaasabadani waxa ay ahayd mid lagu soo gebo gebeeyey barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, gaar ahaan deymaha Mareykanka ee lagu lee yahay Soomaaliya oo ahayd qaybtii ugu badneyd ee deynta” ayuu yiri Wasiir Biixi Cige. “Waxaan ku guuleysanay inaan buuxinno shuruudaha HIPIC [Wadamada Faqiirka ah ee deymaha badan lagu leeyahay], waxaana la shaqeynay IMF, Bangiga Adduunka iyo Naadiga Paris.”
Cafinta $1.14 bilyan ee dollarka Mareykanka ah ayaa ka dhigan qeybta ugu weyneyd ee wadarta guud ee $4.5 bilyan ee deynta guud ee Soomaaliya ay ku leeyihiin dalal iyo hay’ado kala duwan, kuwaasi oo hadda la cafiyay.
“Cafinta deynta waxay ku dhacday qaab-dhismeedka Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Hindisaha Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan lagu yeesho ee Bangiga Adduunka,” Danjire Riley ayaa sharraxay. “Mareykanku wuxuu ku faanayaa inuu yahay dalka martigeliyay IMF iyo Bangiga Adduunka, sidoo kale waxaan nahay saamileeyda ugu weyn labada hay’adood.”
Riley waxa uu carabka ku adkeeyay in cafiska deymaha ay tahay qayb ka mid ah taageerada ballaaran ee uu Mareykanku siiyo Soomaaliya. Sannad-maaliyadeedka hadda oo keliya, Maraykanku waxa uu keenay in ka badan $1 bilyan oo gargaar dheeraad ah oo loogu talagalay horumarinta, dhaqaalaha, amniga, iyo dadaallada bani’aadamnimada.
“Deyntan oo dhan $4.5 bilyan waxay ka dhigan tahay culays dhaqaale oo weyn oo saarnaa Soomaaliya iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed,” Riley ayaa yiri. “Waxay ahayd mid carqalad ku ah himiladii dalka ee mustaqbal barwaaqo iyo nabad ah. Laakiin deyn cafintan waa tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday.
Wasiir Biixi Cige waxa uu si weyn ugu mahad-naqay dawladda iyo shacabka Maraykanka sida deeqsinimada leh ee ay Soomaaliya uga cafiyeen deymaha lagu leeyahay, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqaynaa dawladda Maraykanka iyo shacabka Maraykanka sida deeqsinimada leh ee ay dadka Soomaaliyeed uga cafiyeen daymahaas. ”
Heshiiska deymaha cafinta ee taariikhiga ah ayaa astaan weyn u ah dib u soo kabashada dhaqaale ee Soomaaliya iyo dadaallada horumarineed ee socda, taasoo u gogol xaareysa in dalka uu xooga saaro kheyraadkiisa si loo dhiso mustaqbal xasiloon oo barwaaqo ah.
HORSEED MEDIA