Soomaaliya dan ma ugu jirtaa xiligan ka mid noqoshada EAC?

Published: July 24, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsi u gudbiyey Madaxda dalalka dalladda Bulshada Bariga Afrika

Madaxweyne Xassan Shiikh wuxuu daadaalkiisa dublimaasiyadeen ee u horeeya ka bilaabay in Soomaaliya ku mid noqoto East African Community (EAC) Bloc. Horay ayuu xilligiisi madaxweyninimo ee horay saan oo kale u codsaday waase lagu diiday oo codsigiisa lama aqbalin, sanadkii 2016.

Dhowr qodob oo xog guud ah baan ka xusin:

EAC bloc waxaa bilaabay waddamada isku bahda ah ee af Sawaxiliga ku hadla (Kenya, Tanzania iyo Ugandha) 1999. Waxaa ugu dambeeyay oo ka mid noqday Democratic Republic of Congo 2 bilood ka hor (April 2022). Guud ahaa waa 7 dal.

Tirada guud dadka ku nool waa 300 million, halka wadarta GDP ee waddamadaan ay ka tahay 250 billion USD. Haddii Soomaaliya ka mid noqoto waxay ka noqonaysaa Population ahaan 4.8%, dhaqaale ahaanna 2.8%. Tiradaas iyo tayadaas midna saamayn ma leh.

Waddamada badankooda ma lahan dekado iyo bad toona (Land-locked), waxayna baahi u qabaan meel ay wax kalasoo degaan ama ka dhoofsadaan.

Dhammaantood xuduud bay wadaagaan. Kan ugu yar baa 2 wadan xuduud la leh. Soomaaliya waxay xuduud kala leedahay oo keliya Kenya.

Haddii Soomaaliya ka mid noqoto xilligan ma muuqato wax dheef ah oo ay ka heli karto. Ma lahan kaabayaal “Infrustracture” sida wadooyin iyo xadiidka tareenada isaga gudba waddamadan ama dhexmara Itoobiya oo aan iyadu ka mid ahayn sidii wixii kasoo dega xeebaha Soomaaliya u gaaraan ama ay wax uga dhoofsan karaan.

Waa suurtagal in tiro yar oo Soomaali ah u hirgasho in ay maalgelino ku sameeyaan waddamadaas halka dhinaca kale shirkado waaweyn ee wadamadaas dalka imaan karaan muruqna tuujiyaan ganacsiyada waddanka ka jira oo aan u diyaarsanayn in ay u babacdhigaan maalgashi ajnabi ah.

Soomaaliya uma diyaarsana maalgelin shisheeye (Foreign Investment) mana jiro ilaa imminka xeerka maalgelinta shisheeye. Waddanku dhaqaale ahaan, amni ahaan iyo siyaasad ahaanba aad buu u liitaa.

Runtii ma muuqato faa’iido la taaban karo oo dhaqaale ama siyaasad iyo dan muuqata oo Soomaaliya ugu jirta ku biirista EAC bloc.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa looga fadhiyaa in uu si hufan u soo bandhigo faa’iidada ugu jirta ka mid noqoshada waddamadaan ki bahoobay EAC. Waxaa kaloo habboon in xarumaha cilmi baarista iyo jaamacaduha curdinka ah ee jira daraasado ka sameeyaan.

Khudbadda uu ka jeediyey madaxweynuhu kulankoodi aad uma diyaarsanayn mana qeexin Strategy-dda dhabta ee cod sigiisu cuskan yahay.

Waxaa qorey Dr-Maxamuud A. Hoori

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *