Soomaaliya & Imaaraadka oo ka wada hadlay arrimo la xiriira danaha labada dal

Published: November 27, 2022
Shares16

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Cabdalla Bin Zayid ayaa magaalada Dubai ku qaabilay Dhiggiisa Soomaaliya Abshir Jaamac Huruuse. 

Kulanka labada wasiir ayey diiraddaku saareen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kala duwan oo labada dal si isku mid ah u daneynayaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdalla Bin Zayid oo soo dhaweeyay booqashada Wasiir Abshir Jaamac Huruuse ayaa xaqiijyay sida ay uga go’antahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sii hagaajintiisa si u adeegeysa xaqiijinta danaha labada dal, isla markaana taageereysa xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya. 

Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac, ayaa xaqiijyay in Soomaaliya ku dadaaleyso xoojinta xiriirka iyo wax wadaqabsi ee kala dhexeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ammaanay kaalinta Imaaraadka ew heer gobol iyo caalamaba.

Waxaa kulanka labada wasiir goobjoog ka ahaa Sheekh Shakhbuut Bin Nahyan Aala Nahyaan oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin kale.

Horseed Media